Raysal Wasaare Rooble Oo Sheegay In Dalku Galay Doorasho Xor Iyo Xalaal Ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka sheegay munaasabad halkaasi ka dhacday in uu tixgelin doona wixii dan u ah Soomaaliya ee kasoo baxa Shirka Machadka Heritage.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay qaadan doonto talooyinka Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la is cafiyo oo horay loo socdo si loo hagaajiyo dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in dalka uu galay doorasho xor iyo xalaal ah, in kastoo ay jiraan cabashooyin badan oo kasoo noqday doorashooyinkii la qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu Maanta soo xiro shirweynaha Shanaad ee aragti wadaaga Machadka Heritage ee ka socda dalka Jabuuti.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Deg Deg:- Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Sadex Cisho Oo Dheeraad Ah Ku Daray Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Lafta Gareen Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Laga Soo Doorto Koonfur Galbeed Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More