Madaxweynayaasha Jubbaland Iyo Koonfur Galbeed Oo Kulan Gaar Ah Yeelanaya

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aocda Magaalada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ay kulan gaar ah ku yeeshaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen).

Kulanka ayaa waxaa ay kaga hadli doonaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u tegay Kismaayo ay tahay in Wasiirka Gaadiidka Maamulkiisa Xasan Xuseen Maxamed uu doonayo in uu kusoo baxo kursiga Xildhibaannimo, isla markaana arrintaasi uu kala Shaqeeyo Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa is dhaafsan doono in laga wada Shaqeeyo sidii xildhibaannada labada degaan doora

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamada Cirka Dalka Iiraan Oo Sameeyay Dhuulatus Milatari Oo Baaxad Leh

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Ku Dhawaaqay In La Soo Gabagabeeyay Hawlgalkii Gobolka Tigrayga Balanqaadna U Sameeyay Shacabka Gobolkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Hogaamiyihii Mucaaradka Ruushka Ee La Sumeeyay Olo lagu xiray magaalada Moscow

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More