Dad horleh Oo Gaajo Iyo Haraad Ugu Geeriyooday Degaano Ka Tirsan Galmudug

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 6 qof ay abaar darteed ugu dhinteen gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Abaartani ayaa sidoo kale galaafatey duunyo farabadan halkaasi kunooleyd, kuwaas oo dadkii lahaay ay u waayeen wax ay siiyaan.

Shacabka ayaa u qaxay deegaanada qaar oo ay ka da’een roobab yar, inkastoo la sheegay inaysan ku filnayn biyaha iyo baadka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabduraxmaan Cali Diiriye (Isxal), ayaa ku nuux nuux sadey abaarta sanadkani dhacdey iney tahay mid waxyeello weyn u geysatey dad iyo duunyaba.

Wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya igo Maamulka Galmudug inay dadkaasi gurmad deg deg ah la soo gaaraan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khadiijo Diiriye Oo Isaga Hartay Tartanka Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Joe Biden Oo Ku Guulaystay Doorashada Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya oo Hay’adda IOM kala hadashay waxka qabashada Abaarta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More