Qarax Ka Dhacay Magaalada Jawhar Ee Caasimada Hirshabeele Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya qarax ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday baabuur uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Axmed Mayre Makaraan.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuusan la socon baabuurka xilligaas, khasaarena ilaa xilligan lama soo werin.

Ciidanka Ammaanka ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Todobaadkii hore ayay markii qarax miino ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

 

Related posts

Muxuu Maraykanku U Debciyey Mawqifkiisii Adkaa Ee Dhaxal-Sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan?

Bnnstaff Bnnstaff

Wiil Uu Dhalay Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Liibiya Macamar Al Qadaafi Oo Doonaya In Uu Madaxwayne Ka Noqdo Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Dhalinyarada Reer Borama Oo Ku Labistay Calanka Somaliya Ka Dibna Xabsiga Lagu Guray Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More