Ganacsato Soomaaliyeed Oo Lagu Xidhiday Dalka Koonfur Africa

13 qof oo Soomaali ah, ayey Ciidamada booliska dalka Koonfur Afrika xabsiga u taxaabeen kuwaas oo ay ku eedeeyeen, in ay dib cusbooneysiiyaan agabyadood ganacsi ee dhacay ama dhaafay waqtigii loogu talo galay, si ay u sii iibiyaan.

Ciidamada ayaa galay Warshad lagu farsameeyo waxyaabaha dhacay oo ku taalla magaalda Korte , iyaga oo kasoo xiray 13 Muwaadiniintan Soomaaliyeed,kuwaas oo weli ay gacanta ku hayaan booliiska dalkaasi.

Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in dadkaasi ay farsameynayeen waxyaabaha dhacay, isla markaana ay Bulshada dib uga iibinayeen, taasina ay tahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale waxaa la xiray goobo ganacsi oo ay dalkaasi ku lahaayeen dad ajaanin ah oo aan dalkaas u dhalan, waxaan ku jira goobo ganacsi ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah Oo Ka Dhashay Gaadhi Shacab Oo Ay Miino Ku Qaraxday

Bnnstaff Bnnstaff

ONLF: “Waan Aaminsannahay Aayo Ka Talinta Markii Aan Xabadda Rideynay Iyo Marka Aan Qalinka Ku Hadleyno”

Bnnstaff Bnnstaff

Somaliya Oo Deeq Gargaar Ah Gaadhiisay Dalka Koonfurta Suudaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More