Koox Gabadh Ka Afduubtay Magaalada Muqdisho Oo La Qabtay.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabtay gaadhi iyo kooxdii saarneyd oo qof dumar ah ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

Ciidamada Booliska ee degmada Dharkeynley ay qabtay gaadhi nuuca raaxada ah, islamarkaana ay saarnaayeen 3 nin, kasoo shalay aroortii hore gabadh ka afduubtay degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir.

“Gaadhigan waxa uu xoog ku jiiray Kontarool ciidan kadib booliska ayaa gaadhi kale ku ceyrsaday waxaana markii dambe lagu qabtay Dharkeynley, waxaana gudaha gaadhiga ku jirtay gabar lugaha, gacmaha iyo afkaba ka xiran, hadda waxaan gaariga iyo dadkii saarnaa ku wareejinay CID halka gabadhiina ku wareejinay qoyskeeda,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Muqdisho.

Gabadha la afduubtay oo xubna ka mid ah qoyskeeda aan la hadalnay ayaa sheegay in ay shalay aroortii hore iyadoo adeeg doonatay laga qabtay agagaarka Suuqa Beerta, gaar ahaan meel u dhaw xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, waxaana lagu ritay gaarigii ay kooxda wadatay.

“Gabadha maro cad oo qoyan ayaa afka loo saaray waana dagaashay ilaa maradii ay dhacdo kadib iyadoo xoogaa miir la’ ayey wateen balse Allah ayaa booliska daba dhigay,” ayey tiri qof katirsan haweenka degmada Xamar Jajab.

Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay aad looga cabanayaa afduubka dumarka iyo carruurta lamana oga sida xal loogu heli karo. Waalidiin badan ayaa wajahaya xaalad cabsi ah oo ku saabsan afduubka kusoo kordhaya magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Fariin U Diray Beesh Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

Dhagarqabe Doonayey Inuu Hoobiye Ka Tuuro Goob Fagaare Ah Oo Deyniile Ku Taala Oo Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Heshiis Ku Sabasan Nukliyeerka Oo Ay Wada Gaareen Ruushka Iyo Mareykanku

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More