Farmaajo Oo La Kulmay Madaxweynaha Liibiya Iyo Soomaaliya Oo Guddi Xaqiiqo Raadin Ah U Direysa Dalkaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika la qaatay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya Mudane Maxamed Yuunis Al-menfi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay Labada Dal uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu.

Xafiiska  Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Wasaarada Hurumarinta Beeraha Somaliland Oo Bilawday La Dagaalanka Ayax Soo Laba Kacleeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Wiil Somali Ah Oo Ay Dileen Booliska Maraykanku Oo Ka Dhacay Minneapolis

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyay Doorashada Bari Dhacaysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More