Inta la xaqiijiyay laba Carruur ah ayaa ku geeriyootay Ceel biyood ku yaalla xerada qaxootiga ee Xagardheer ee Dhadhaab Kenya kadib ka dib markii sida la sheegay ay ku dhaceen goob biyo ay fadhiyeen .
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Roob waxaa uu ka da’ayay Xeryaha Dhadhaab Kenya, waxaana uu saameyn ku yeeshay dadka kunool Xerada Xagardheer.
Warta ku taalla xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa sanadkasta xilli robaadka waxaa ku dhinta ugu yaraan laba qof, waxaana dadka kunool ay ka muujiyeen walaac xoogan, iyaga oo dowladda ugu baaqay inay wax ka qabato.
Ehellada Carruurta Geeriyootay ayaa waxaa ay sheegeen in dhibaatooyinkaan khasaaraha geystay ay dhowr jeer soo laab laabteen, isla markaana ay u baahan yihiin in wax laga qabto si khasaare kale uga dhalan.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com