Dowlada Somaliya Oo Deeq Raashin Gaadhsiisay Soo Gaadhsiisay Dadka Ay Abaartu Saamaysay Ee Somaliya

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegtay in maanta oo khamiis ah ay ugu yaraan 4,253 oo xirmooyin raashin ah ay gaarsiisay qoysaska ay abaartu waxyeellaysay ee ku sugan Koonfurta Somalia.

Raashinka oo uu soo diray wasiirka arrimaha gudaha iyo hay’adda maaraynta arrimaha deg degga ah ayaa waxaa qaybiyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu, deegaannada raashinka kaalmada ah la gaarsiiyey ayaa waxaa ka mid ah magaalada Kismaayo halkaas oo sida la sheegay ay ku sugan yihiin qoysas badan oo abaartu ay halakaysay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa taageeradaan uga mahadceliyey dowladda Turkiga iyo sida ay uga jawaabtay baaqa caalamiga ah ee wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay ku dhufatay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Sii Kordhayaan Barakaca Iyo Qootiga Aduunka

Bnnstaff Bnnstaff

Dhegayso:- Cod Qarsoodi Ah Oo Laga Duubay Wakiilka Midawga Africa Ee Uu Rooble Sheegay In Uu Dalka Ka Baxo

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ku Baaqay In Aan La Siyaasadayn Xaalada Abaaraha

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More