Turkiga Oo Tijaabiyay Gantaalka S-400 Iyo Xiisada Cusub Oo Laga Cabsi Qabo

Turkiga ayaa Jimcihii hawada u ganay gantaal meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga halkaas oo la filayay in militariga ay ku tijaabiyaan nidaamkooda difaaca S-400 ee Ruushka uu sameeyay, sida ku cad muuqaal maxalli ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, kaasi keenay in digniin adag ay ka timaaddo Mareykanka.

Muuqaalkan oo laga soo duubay magaalada xeebta ku taal ee Sinop, ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareerayay. Maalmihii la soo dhaafay, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiisyo xaddidaya hawada iyo biyaha aagga xeebta ah si loogu oggolaado howlgalka tijaabada gantaallahan.
Sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa sheegin ayaa tilmaamay in Turkiga uu Jimcihii tijaabiyay nidaamka difaaca ee S-400 laakiin ma uusan bixin faahfaahin.

Tijaabooyinka S-400s, haddii la xaqiijiyo, waxa ay sababi karaan in ay sii kororto xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday in Ankara ay hubkan ka iibsato Moscow sababo la xiriira in hubkani uu wax u dhimayo nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ayaan beenin ama xaqiijin in gantaalahan ay tijaabisay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ururka Gargaar Oo Agab Caafimaad Soo Gaadhsiiyay Isbitaalka Guud Ee Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxda Man City Oo Jabisay Rikoodh 120 Sannadood La Jabin Waayay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Xadhiga Ka Jaray Dib U Furista Wadooyinka Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More