Borama News Network

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin Oo Mar Kale Ku Guulaystay Doorashadii Dalkaasi Ka Dhacday

Hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay inuu xoojin doono ciidamada qalabka sida, uuna mudnaanta siin doono waxa uu ugu yeeray howlgalka gaarka ah ee Ruushka uu ka wado dalka Ukraine.

Isagoo hadlayay ka dib doorashadii madaxtinimo ee uu helay in ka badan boqolkiiba sideetan codadkii la dhiibtay, ayaa Mr Putin waxa uu sheegay in natiijada ay muujineyso kalsoonida ay dadku ku qabaan halka uu hadda marayo Ruushku.

Waxa uu sheegay in markii Ruushku midoobo aysan jirin cid cabsi gelin karta ama caburin karta. Doorashada ayaa lagu tilamaamay mid aan xor iyo xalaal toona aheyn sababo la xiriira cadaadiska iyo xarigga ay la kulmayaan xubnaha mucaaradka ah.

Related posts

Xildhibaan Ka Tirsan Dalka Kenya Oo Rag Hubaysan Ay Ku Dilayn Magaalada Nairobi

Waftigii Somaliland Ka Socday Oo U Talaabay Dhinaca Dalka Itoobiya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Oo Ka Hadlay Doorashada Dalka Ka Socta Fariina Diray

Abdiaziz Bnnstaff