Madaxwayne Qoor Qoor Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Alshabaab

Madaxweynaha dowlad Gobooleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor xalay ku booqday Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad deegaano ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan Al-shabaab ay ka xoreyn doonaan deegaanada ay in muddo ah kaga sugan yihiin Maamulka Galmudug, isla markaana ay la dagaalami doonaan.

Waxaa uu sheegay Qoorqoor in Al-shabaab ay ugu tegi doonaan meel kasta oo ay ka joogaa Galmudug oo ay kasoo abaabulan weerarada qorsheysan, ayna doonayaan in shacabka dhibaateysan kunooladan nabad, waa sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlaayay Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu Carabka ku dhuftay inay garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga dalka ee deegaanada Maamulka ka wada howlgalka ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Gaba-gabadii Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa faray Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug inay dardar-geliyaan howlgala socda, isla markaana waxaa uu tilmaamay in Madaxda Galmudug ay Ciidanka meel kasta la tegi doonaan.

Si kastaba hadalka Madaxweyne Qoorqoor ayaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan deegaano ka tirsan Galmudug ay dagaalo ku dhexmareen Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulkaas, sidoo kalena shabaabka ay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen halkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ingiriiska Oo Taageeray Dowladda Somalia, Kana Horyimid Qorshaha Midowga Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ciro ” Doorashada Si Fiican Bay Inoogu Socotaaye Waxaa Xumayn Kara Xadhiga Murashaxiingta”

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Puntland Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Dhameytirka Doorashada Socota

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More