Jubbaland Oo Shaacisay Guddiyada Xulista Ergooyinka Dooranaya Lix kursi Oo Kismaayo Lagu Dooranayo

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaciyay Guddiyada xulista Ergooyinka dooranaya lixda kursi kuwaasoo isugu jira oday dhaqameedka iyo labo ka mid ah Bulshada Rayidka.

Guddiga ayaa sheegay in dhammaan xubnahaan lagu soo xulay si waafaqsan xeerarka Guddiyada doorashooyinka si looga hortaggo in doorashada aysan noqon mid aan daahfurneyn sidii horay uga dhacday qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira.

Jubbaland ayaa noqoneysa dowlad goboleedkii u horreysay ee soo bandhigta Guddiga soo xulaya ergooyinka, taasoo ka mid furo u noqoneysa hannaanka daah furnaanta ee doorashada Golaha Shacabka.

Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa horay ugu fashilmay in ay qabtaan doorashooyin daahfuran, waxaana dhammaan walaac laga muujiyay kuraastii guddiyada doorashooyinka ay soo doorteen.

 

Related posts

Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Shaacisay In Magaalada Hargaysa Laga Bilaabayo Mastar Planka

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Diyaarad Sidat Wafti Imaaraad Ah Oo Dib Loo Celiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Cali Mareexaan Oo Fariin U Diray Xisbiyada Mucaaridka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More