Dowladda Soomaaliya Oo Xidhay Terminalka Movcon Ee Ay Isticmaali Jireen Qaramada Midoobey Iyo AMISOM

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Albaabada u laabtay Tarminaalka Garoonka Aadan Cadde ay kazoo degtaan Ajaanibta iyo shaqaallaha qaramada Midoobey ka dib war kasoo baxay maamulka Garoonka.

Maareeye kuxigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Tilaabaddaan ayaa timid ka dib markii AMISOM ay diiday in halkaasi la geeyo ciidamo Boolis ah oo qeyb ka noqon doonnaa baaritaanada iyo hubinta waxa laga soo dejinaayo qeybtaasi.

 

Related posts

“Hadaan Deg Deg Wax Looga Qaban Xaalka Laascaanood Dalku Wuu Dumayaa” Suldaan Ka Seexan Waayay Arinka Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

“Su’aasha Hor Taala Waxa Weeyi Waxii Loo Dhisay Sidii Loo Ilaalin Lahaa” Prof Axmed Ismaciil Samatar

Bnnstaff Bnnstaff

Iska Horimaad Cusub Oo Dhexmaray Ciidamada Dalalka Armenia Iyo Azerbaijan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More