Qalabka Wax Lagu Eego Ee James Webb Oo Hawada Sare Loo Diray Iyo Shaqada Uu Qaban Doono Qalabkaasi

Qalabka wax lagu eego ee James Webb, ayaa gantaal ka qaadey dhulka, si uu u qabto wajiga koowaad ee hawlgalkiisa uu ku muujinayo xidigaha ugu horeeya ee iftiiiminaya caalamka.

Qalabkan wax lagu eego, ayaa ku kacaya adduun gaaraya toban bilyan oo Doolar. Qalabka wax lagu indha indheeyo, ayaa cirka sare waxaa u qaadey gantaalka Ariane.

Gantaalkan ayaa laga ganey garoonka hawada sare ee Kourou, kaasoo ku yaalla jaziiradda yar Guiana ee uu maamulo Faransiiska, taasoo dhacda xeebaha waqooyi bari ee Koonfur America.

Duulimaadkii dhul ku wareegga, ayaa la filayey inuu qaato wax ka yar nusu saac, iyadoo muujineysa caalamadda natiijada guusha, taasoo laga keenay dalka Kenya.

Enjineerada la shaqeeya wakaaladaha hawada sare ee Mareykanka, Midowga Yurub iyo Canada-ba, ayaa dhisay goob kormeerka joogtada ah oo cusub, taasoo si kastaba ha ahaatee boqol jeer ka awood badan kuwii hore.

U ganista hawada sare qalabkan wax lagu eego, ayaa aheyd in muda ah wax la sugayey, laakiin haddana waxey dadku ku beertey walaac.

Mashruucan ayaa waxaa ka shaqeynayey kumanaan dad gaaraya, oo ku kala sugan dunida dacalladeeda 30 kii sano ee lasoo dhaafey. Inkastoo la isku haleyn karo gantaalka Ariane, haddana ma jiraan wax hubanti ahmarka ay timaado gantaallada.

Related posts

Somaliland Oo Laga Hirgaliyay Heshiisyo Dhanka Isgaadhsiinta Ah Oo Ay Shacabku Modo Hamuun U Qabeen

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Danbeeyay Toogasho Khasaaro Dhalisay Oo Ka Dhacday Qudus

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Ka Dhacay Ismaamulka Gaarisa Ee Woqooyi Bari Kenya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More