Maxaa Ka Jira Wararka Sheegay In Turkigu Taageerayo Doorashad Somaliya

Wargeyksa Africa Intelligence ayaa qoray in dowladda Turkiga ay doorashada Soomaaliya ka dhaceysa taageereyso madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida warbixinta lagu sheegay, Turkiga ayaa waxaa taageerada Farmaajo ku wehliya dowladda Qatar oo kamid ah Dawladdaha sida wayn u taageersan Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo.

Dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa xulufo weyn ku ah siyaasadaha dalal badan, sida Libya, Yemen, Falastiin, iyo Soomaaliya.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in dhowr taageero oo dhowaanahan ay Turkiga siinayeen dowladda Soomaaliya ay ahayd muujin awoodeed oo sare loogu qaadayo magaca dowladda.

Balse Marka laga yimaado Warbixinta Wargaysu uu Qoray Dawladda waxay caan ku tahay inaysan Faraha la gelin Siyaasadda Gudaha ee Soomaaliya, Gaar ahaan Arimaha Doorashooyinka, Waxayna la shaqeeyaan dowlad kasta oo dalka timaadaa, ayada oo la ogyahay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen Madaxwayne Sheikh Shariif , Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxwayne Farmaajo, muddadii ay ku xukunka hayeen.

Dawladda Turkiga ayaa Saaxiib dhow la ah Soomaaliya, Waxayna dhinacyo kala duwan ka Caawisaa Xukuumadda Soomaaliya. Oo kamid yihiin Dib u dhiska Ciidamada, Waxbarashada, Caafimaad iyo Adeegyadda kale ee Muhiimka ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dalka Singapore Oo Noqonaya Dalkii Ugu Horreeyay Dunida Ee Adeegsada Teknolojiyadda aqoonsiga wejiga

Bnnstaff Bnnstaff

Odayaasha Iyo Waxgaradka Mid Ka Mid Ah Beelaha Dega Ceel Afwayn Oo Baaq Culus U Diray Xukuumada Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

Odayaasha Iyo Waxgadka Gobolka Gedo Oo Ka Hadlay Tacadiyada Ay Ciidamada Kenya Ku Yahaan Gobolkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More