Raysal Wasaare Rooble Oo War Ka Soo Saaray Doorashada Ka Dhacday Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland , Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo.

Rooble ayaa sidoo kale ku adkeeyay Guddiyada Doorashooyinka in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn u hambalyeeyay xildhibaannada maanta la doortay oo uu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa noqday Maamulka Saddexaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyay Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed

Related posts

Mucaaridka Dalka Jubuuti Oo Ka Hadlay Doorashadii Ka Dhacday Dalka Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

”Hargeysii Ma Toostay Ma Diiday Hogaankii ” Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan

Bnnstaff Bnnstaff

Tartan Orod Ah Oo Ay Soo Agaasintay Shirkada Airjabuti Oo Lagu Qabtay Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More