Guddoomiye Filish” Tallaabo Ayaan Ka Qaadeynaa Kuwa Amni Darrada Ka Wada Muqdisho”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa sicad u sheegay in degmada Wadajir ay kamid noqotay degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ka jirto Amni darrada ee dadka lagu dhaco, hayeeshee ay wadaan qorshooyin wax looga qabanayo.

Gudoomiyaha oo ka qeyb galay kulan ka dhacay degmada Wadajir waxaa uu sheegay inay wadaan olole looga hortagyo kuwa geysta falalka Amniarro, kuwaas oo uu sheegay inay dhiiragelin ka helayaan kuwa ka Ganacsada maandooriyaha & kuwa isticmaala.

Cumar Filish ayaa qiray in Khamri iyo waxyaabo kale ee maanka dooriya in dalka dibaddiisa laga keeno kuwo kalena lagu farsameeyo dalka gudihiisa, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin dhalinyarada ayna la socdaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay jiraan dhalinyaro ku hubeysan baangado iyo dhagxaan, kuwaas oo geysta falal ay kamid yihiin, dil iyo dhac, balse ay wax ka qaban doonaan

Related posts

Wasaaradda Amniga Somalia Oo Digniin Kasoo Saartay Hubka Sharci Darrada Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Iiraan Iyo Sacuudiga Oo Markii Ugu Horeysay Ka Wada Hadlay Xiisadda Falastiiniyiinta Iyo Isaa’iil

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Magacaaban Ee Soomaaliya Oo kulamo Siyaasadeed Ka Wada Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More