“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed waxaana lagu samayn doonaa baaritaan sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka.
Sidoo kale Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Magaalada Caasimadda ee Muqdisho, isla markaana xusay in marnaba aan la aqbali karin wax rabshada ah oo ka dhaca Muqdisho.
“Waxaan shacabka iyo mas’uuliyiintaas u xaqiijinayaa in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay. Waxaan sidoo kale shacabka ugu baaqayaa in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada mana la aqbali karo wax rabshada ah” ayuu kusoo gaba-gabeeyay Qoraalkiisa Wasiir Cabdullaahi.
Banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo ayaa Maanta ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana banaanbaxa lagu taageerayey RW Rooble, iyadoona Ciidanka Booliska ay kala eryeen dadkii dhigaayay banaanbaxaas oo uu hoggaaminayey Axmed Macalin Fiqi…