Ehelada Mukhtaar Roobaw Oo Beeniyay Warbixintii Ka Soo Baxday Haayada Nisa

Ehelada Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ku gacan sayray xog ku jirtay warqad ay soo saartay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu sheegay inuu nabad qabo, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbadaana ay booqdaan sidoo kaleba uu waxbarasho jaamacadeed ku jiro, amnigiisana ay gacanta ku hayaan.

Hasayeeshee Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Mukhtaar Roobow ayaa ku doodaya in muddo saddex sanadood ah aanay indhaha saarin walaalkood, cid booqatayna aanay jirin, caafimaadkiisana ay ka walwalsan yihiin.

Warqadda NISA waxay jawaab u ahayd amar uu wasiirka amniga ee Soomaaliya ku faray in ay xaaladda Mukhtaar Roobow muddo sideed iyo afartan saacadood gudahood ah ay warbixin faahfaahsan kaga soo siiso hay’addu.

Related posts

Midowga Musharaxiinta Oo Kormeeray Daljika Dahsoon Oo Berri Uu Ka Dhici Doono Banaanbax weyn

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Dalalka Caalamku Ka Yidhaahdeen Diyaarada Drone-ta Turkiga Ee Bayraqdar TB 2

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Liyuu Booliska Somalida Itoobiya Oo Taageero U Muujiyay Raysal Abiy Ahmed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More