Dawladdaha Somalia Iyo Talyaaniga Oo Kala Saxiixday Mashruuc Lagu Dhisayo Biyo Xidheenka Baladwayne

Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.
Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Waa Kuma Ninka Soomaaliga Ah Ee Hoggaaminaya Isbedelka Cusub Ee Lagu Sameynayo Kenya?

Bnnstaff Bnnstaff

Dalka Singapore Oo Noqonaya Dalkii Ugu Horreeyay Dunida Ee Adeegsada Teknolojiyadda aqoonsiga wejiga

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Reer Buuhoodle Oo Ka Hadlay Geeridii Cali Khaliif Tacsina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More