Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Baaq U Diray Madaxda Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah Qoraal xusuusin ah u kala diray Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa Madaxda Maamul Goboleedyada lagu xusuusiyay in la dhaafay waqtigii loogu tala-galay soo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta Khilaafaadka.

Maxamed Rooble ayaa Madaxda maamulada ka dalbaday inay xubnaha labada Guddi ku soo magacaaban si waafaqsan shuruucda haraaca lagu heshiiyay, iyadoo la tixgelinayo heshiiskii laga gaaray Doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa ee 2020/2021.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxda ka Codsaday inay ugu dambeyn Magacyada xubnaha labada Guddi soo gudbiyaan 20-ka Bishaan Octoober 2020, iyadoona la tix-gelinaayo ka qeyb galka Haweenka.

Si kastaba Qoraalka uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo la dhaafay waqtigii loogu tala-galay in Madaxda maamul Goboleedyada kusoo magacaaban laba Guddi oo ka shaqeysa Doorashada dalka.

Related posts

Xildhibaan Xoog Oo Sheegay In Beer Uu Leeyahay La Xaalufinayo Kana Hadlay Siday Siday Wax U Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo War Ka Soo Saaray Go’aankii Warbaahinta Dowlada Loogu Fasaxay Hadalada Mucaaridka

Bnnstaff Bnnstaff

‘Maxamed Bin Salman Oo Lagu Eedeeyay In Uu Dhowr Jeer Qarsoodi Ku Tagay Israa’iil’

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More