Akhriso Liiska Magacyada Gudi Uu Magacaabay Raysal Wasaare Rooble

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir, oo soo baaraya dhacdadii 27-kii December oo raysalwasaaruhu ku qeexay in ay ahayd isku isku day la doonayay in lagu afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumaddiisuba.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood oo kala:

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga …Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

Related posts

Wiil Yar Oo La Xaday Xilli Uu Ku Socday Malcaamadii Uu Dhiganayay Iyo Qoyskiisa Oo Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Cunaqabataynta Ruushka La Saaray Oo Samayn Ku Yeelatay Saldhiga Hawada Sare Ee NATO

Bnnstaff Bnnstaff

Macluumaadkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Arminiya Iyo Azerbijaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More