Wariyihii Waraystay Ganacsadihii Alshabaab Taageeray Oo La Xidhay

Wariyihii wareystay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo la xiray

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa caawa xiray Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye.

Wariye C/llaahi Kulmiye ayaa loo heystaa inuu faafiyay war lid ku ah amniga, kaddib markii wareysi uu ka qaaday Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, sida saraakiisha amniga ay la xiriiriyeen xarigiisa.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wareysiga uu siiyay Idaacadda Kulmiye wuxuu ku taageeray mabda’a ay u taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la laayo Ciidamada AMISOM iyo waxa la socda.

Wareysigan oo hordhaciisa laga sii daayay Barta Facebook ee Idaacadda Kulmiye ayaa gebi ahaanba la joojiyay.

Ciidamada Nabadsugida ayaa xalay gurigiisa kala baxay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ah nin da’a ah oo naafo ka ah qaarka dambe ee jirka, kuna socda Kursiga dadka naafada lagu qaado, waxaana markii dambe loo wareejiyay Xabsi Guri ay ku ilaalinayaan Ciidanka NISA

Xaaji Abuukar oo la sheego inuu yahay wadaad mayal adagag, ayaa ka mid ahaa taageerayaashii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee sanadkii 2006 qabsaday Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Prof Cabdi Ismaciil Samatar:- “Khilaafka Gudiga Doorashada Kuraasta Somaliland Waxaa Ka Masuul Ah Farmaajo”

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwane Muuse Biixi Oo Kormeeray Xarumaha Dowlada Ee Gobolka Saaxil

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Muqdisho Arigtiyo Kala Duwan Ka Dhiibtay Dooddii Baarlamaaka Uk Ee Qadiyada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More