Ciidamada Amaanka Puntland Oo Hawlgalo Qorshaysan Ka Fuliyay Magaalada Gaalkacyo

Ciidanka amniga ee dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca xigta Puntland.

Ciidamada amniga ayaa howlgalka inta uu socday kusoo saaray miino nooca dhulka lgau aaso ah oo la geliyay dhismaha Garoonka kubadda Cagta Cawaale Stadium ee Magaalada Gaalkacyo.
Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay miinada lasoo saaray la doonayay in lagu dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed, hayeeshee Ciidanka PSF ay soo sareen iyada oo aan qarxin miinada.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka amniga Puntland ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga Magaalada, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer oo horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro, kuwaasi oo inta badan Mas’uuliyadooda ay sheegteen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Kulan La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Xirsi “Madaxweynuhu maaha in u cabasho iyo calaacal fagaarayaasha la imaado ee isaga ayaa ayaa laga raba

Mustafehaji

Ruushka Oo Hajiyay Guulihii Ciidanka Azerbijaan Iyo Macluumaadkii Ugu Dambeeyay Ee Colaadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More