Dowladda Somalia Iyo Finland Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa arrimaha Dibadda ee dalka Finland Pekka Haavisto.

Labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda dalalka Soomaaliya iyo Finland ayaa waxaa ay uga hadleen kulankooda Arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Labada Dal.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Finland Pekka Haavisto taageerada ay u fidiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dhinac ay isla garteen dardar-gelinta xoojinta xiriirka labada dowladdood.

Finland ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid yihiin Saaxiibada Beesha Caalamka, iyadoona Finland ay ku nool yihiin Soomaali farabadan oo halkaas degan.

 

Related posts

Ciidanka Tigreega Oo Xoog Ku Galay Xarun Ay Leedahay Qaramada Midoobay, Bililiqana U Geystay

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaanada Isbahaysiga Kulmiye Iyo Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Xukuumada Oo Kula Ku Yeeshay Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Wasiirka Waxbarashada Oo Su’aalo Adag La Waydiiyay

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More