Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray Markab Ay Afduubteen Xuutiyiinta Dalka Yeman

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Maanta oo Arbaca ah, cambaareysay afduubka kooxda Xuutiyiinta ay kula kaceen Markabka “Rawabi” oo ku safrayay xeebaha Xudeydah ee dalka Yeman.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa afduubka markabka ku timaantay mid khatar ku ah socdaalka Marakiibta caalamiga ah ee isaga kala goosha Biyaha badda cas.
Ciidamada Isbahaysiga Yeman ayaa horay ugu dhawaaqay in weerarada Marakiibta loogu geeysta dekeddaha Yeman ay ka dhigantahay bartilmaameed millatari, cid kasta oo fafalkaas ku kacdana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga Yeman Sareeye Guuto Turki Al-Maaliki, ayaa sheegay in marka laga soo tago Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidamada Isbaheysiga, in maleeshiyaadka Xuutiyiinta uu u gacan galay Markabka Rawabi xilli uu marayay biyaha caalamiga ah ee Badda Cas, iyaga oo si xoog ah ku geeyay dekedda Saliif.

Related posts

Waxaa Lagama Maarmaan Ah Inaynu Helno Aqoon Inagu Filan Oon Ku Mamulno…” Wasiir Cataash

Bnnstaff Bnnstaff

Culimada Soomaaliyeed Oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Dagaalka Maalmahaan Ka Socda Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday In Ay Xidhayso Dugsiyada Sare Ee Dalkaasi Iyo Sababta Oo La Sheegay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More