Ciidamada Dowlada Itoobiya Oo xidh xidhay Kumanaan Ruux Oo Kasoo Jeeda Tigray

Saraakiisha dalka Itoobiya ayaa si aan sharciga waafaqsanayn u xiray kumannaan qof oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigray ee dhawaan laga soo tarxiilay Sacuudiga, sida ay sheegeyso warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch.

Warbixintii ugu dambeysay ee colaadda Itoobiya oo soo xiganeysa dad goobjoogayaal ah ayaa ku tilmaamay xarig wadareedyo loo geystay qowmiyada Tigrayga.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay beegsaneyso dadka looga shakisan yahay in ay taageerayaan ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiray dowladda tan iyo bishii November 2020, balse dib ugu laabtay gobolkooda toddobaadyo ka hor.

Sida ay qortay walaaladda wararka ee AP, Nadia Hardman, oo ah cilmi-baare xuquuqda qaxootiga iyo muhaajiriinta, kana tirsan Human Rights Watch ayaa tiri: “Muhaajiriinta Tigreega ah ee tacadiyada xun kala kulmay xabsiga Sucuudiga ayaa lagu xirayaa xarumaha lagu hayo marka ay ku laabtaan Itoobiya.

Waxay Nadia ugu baaqday Sacuudiga inay ilaaliyaan xaquuqda dadkan, isla markaana ay joojiyaan tarxiilkooda, taa beddelkeedana ay caawiyaan wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga si ay u helaan ilaalin caalami ah.

Kumannaan Itoobiyaan ah oo intooda badan kasoo jeeda gobollada Tigreega iyo Axmaarada ayaa sanad kasta si sharci darro ah ugu socdaala dalka Sacuudiga, iyaga oo sii mara dalka Yemen si ay u helaan nolol dhaanta tan ay ku suganyihiin, balse mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa masaafuriyay kumannaan ka mid ah dadkaasi sanadihii lasoo dhaafay.

Related posts

Dowladaha Qatar Iyo Kuwayt Oo Laga Yaabo Inay Marti-Geliyaan Qaxooti Farabadan

Bnnstaff Bnnstaff

Iiraan Oo Weerar Culus Oo Dhanka Internetka Ah Ku Qaaday Isreal Iyo Macluumaadkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

15 Milyan Oo Qof Oo Hal Todobaad Laga Helay Cudurka Halista Ah Ee CORONAVIRUS

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More