Rwanda:- Tiro Dad Ah Oo Ku Dhimatay Markii Ay Kabbeen Khamri Muus Laga Sameeyay

Ilaa 11 qof ayaa ku dhimatay dalka Rwanda kadib markii ay cabbeen khamri laga sameeyay muuska oo si weyn looga isticmaalo dalkaas.

Dadkan waxay ku sugnaayeen degmada Bugesera oo ku taalla koonfur bari Rwanda.

Waxaana lagu soo warramayaa ila afar qof oo kale oo cabbay khamriga haatan lagu daweynayo cisbitaalka deegaanka.

Markii la baaray khamriga waxaa lagu arkay maaddada Methanol oo si aad ugu badneyd taas oo lala xiriiriyay dhimashada dadkii cabbay, sida ay sheegtay waaxda la socota tayada cuntada iyo dawooyinka Rwanda.

Shan qof ayaa la xiray oo uu kamid yahay milkiilaha warshaddii soo saartay khamriga, sida uu xaqiijiyay xafiiska baarista Rwanda.

Saraakiisha waxay sheegeen in warshadan ay ku shaqaynaysay ruqsad la’aan, waxaana la hakiyay howsheeda.

Waxaana dalkaas ka bilowday olole ballaaran oo looga soo horjeedo warshadaha soo saaro khamriga ee shati la’aanta ah.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiya Iyo Caasimadii Tigreyga Oo La Hareereeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Culus Oo Boosaaso Ku Dhex Maray Alshabaab Iyo Ciidanka Puntland Maxaabiisna Kala Baxay Xabsiga Wayn Ee Boosaaso

Bnnstaff Bnnstaff

Culimada Soomaalida Ee Kenya Oo Soo Saaray Digniin Ku Saabsan Kiiska Dacwadda Badda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More