Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho Oo Maalintii 5-Aad Lasoo Xiray Natiijo La’aan

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Maanta oo sabti ah galay maalintii shanaad ayaa soo dhammaaday, iyada Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aysan weli gaarin is afgarad ku aadan Shirkaas.

Madaxda Golaha ayaa waxaa ay Maanta falanqeyn iyo wadatashi ka yeesheen cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay wadaan la-tashiyadii ugu danbeeyay oo ku saabsan doorashada iyo jaangoynta doorashada Golaha Shacabka.

Madaxda Golaha ayaa maalinta berri isugu soo laaban doona Shirkooda, isla markaana waxaa qorshahu uu yahay inay la kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, si ay uga dhageystaan cabashooyinka ay ka qabaan doorashada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaan weli is afgarad laga gaarin qodobada waaweyn ee Shirka oo ay ugu weyn tahay arrinta amniga dalka.

Related posts

Ra’iisulwasaare Rooble oo Gaadhay Magaaladda Garbahaaray Iyo Ujeedka Safarkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Shaaciyay In Dagaalka 3-aad Ee Dunida Ku Bilaaban Doonin Taangiyo

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaallada Ka Socda Xuduudka Soomaaliya Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More