Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha mudnaanta guud leh ee dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha, amniga, nabad-dhisidda iyo Doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa ee dhammaadka sanadkaan 2020/2021.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla soo hadal qaaday Arrimo ku aadan horumarka bulshada iyo dhaqaalaha dalka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horreeyay oo si ka fool-foolka ah u yeeshaan Maxamed Xuseen Rooble iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee James Swan tan iyo markii Rooble loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Maxamed Rooble ayaa kulamo la qaatay Safiirada Beesha ee Soomaaliya, isagoona kala hadlay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka dalka ee heshiiska rasmiga ahaa bishii lasoo dhaafay laga gaaray.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shir Lagaga Hadlaya Dhibaatada Ciyaal Weerada Iyo Amniga Oo Ka Qabsoomay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Masar Oo Dagaal Xoogan La Galay Kooxda Takfiir Iyo Khasaaraha Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Hay’adda WHH Oo Deegaanka Duudwayne Beeralayda Gobolada Awdal Iyo MaroodiJeex Ugu Qabatay Barnaamij Bandhig Beereed Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More