Borama News Network

Ciidamada Yuhuuda oo in ka badan 100 falastiiniyiin ah ku dilay Gaza

24-kii saac ee la soo dhaafay In ka badan 100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza,kadib markii ciidamada Israel ay weerareen dhowr goobood oo kamid ah deegaanada Gaza.

Weerarada Israel ee cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa galay maalintiisii afraad ,iyadoo la dilay tiro badan oo Falastiin ah,isla makaana ay barakeceen daraasiin kale oo halkaasi u joogay gabaad .
R/Wasaaraha Israel Netanyahu ayaa u sheegay senetarada Mareykanka ee Jamhuuriga in Israa’iil ay sii wadi doonto dagaalka ay ku jabinayso Xamaas.

Dhinaca kale, Antony Blinken ayaa bilaabay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe isagoo wadahadallo Sacuudi Carabiya kula yeeshay madaxda dalkaasi ,wuxuuna manta tagayaa Masar si uu wadahadal ula yeesho wasiirrada Carabta.

Ugu yaraan 31923 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 74096 kalana waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Related posts

Ciidamada Puntland oo howlgallo ay ka fuliyeen Buuraha Caalmiskaad ku qabtay hub iyo Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

Abdiaziz Bnnstaff

Hadaan Lagu Baraarugin Halistan Masaajida Muqdisho Waxay Isku Bedeli Doonaan Macaskar Alshabaab Leedahay” Haweenka Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Waaxda Cadaalada Ee Dalka Maraykanka Oo Si Adag Uga Hadashay Dilalka Arxandarada Ah Ee Boolisku U Gaysteen Nin Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff