Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed.

Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif ayaa waxaa ay uga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka muddo dhaafka noqday ee maalmo kahor heshiiska laga gaaray.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe u sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ka gaareen doorashada dalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga, isagoona kulamo kala duwan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka.

Related posts

Doorashada Shan Ka Mid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Ee Somaliland Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

“Beesha Caalamka Ayaa Soomaaliya Xukunta, Waxanay Ka Dhex Wadaan Riwaayad Hindi Ah” Xildhibaan Indho indho

Bnnstaff Bnnstaff

3 Nin Oo U Dhashay Dalka Kuuriyada Waqooyi Oo Lagu Qabtay Iyagoo Dhacaya Lacag Dhan 1.3 Bilyan Oo Dollar.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More