Midowga Musharaxiinta Oo Cambaareeyay Hadal Kasoo Yeedhay Duqa Muqdisho Cumar Finish

Midowga Musharaxiinta ayaa Golaha Bulshada Banaadir uga mahadceliyay sida ay u aqbaleen Codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo Banaanbixii lagu waday inuu Maanta oo khamiis ah ka dhaco Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa si kulul loogu Cambaareeyay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ee fal dembiyeedka loogu tilmaamay banaanbixii dhici lahaa Maanta ee la baajiyey.

Midowga ayaa adkeeyay in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah, isla markaana shacabka kunool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay xili kasta qaban karaa banaanbax, iyagoona u mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Midowga ayaa Xukuumadda xilgaarsiinta ee Rooble uga mahadceliyey inay gudatay waajibkii kaga aadanaa banaanbaxa, waxaana ay mar kale Midowga Musharaxiinta ku adkeeyeen Xukuumadda inay iska xil-saarto furitaanka saaxadda siyaasadda.

Qoraalka Midowga ayaa kusoo aaday, iyada oo Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ay joojiyeen banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo Maanta la qaban lahaa, kaasi oo ay Maamulka Gobolka Banaadir horey u diideen inuu dhaco.

 

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo La Dagalaanka Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Qiray In Uu La Hadlay Madaxda Soomaaliya Ugu Sarreysa

Bnnstaff Bnnstaff

Golihii Deegaanka Ee Magaalada Boosaaso Oo La Kala Diray Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More