Al-Shabaab Oo Mar Kale Weerar Khasaaro Geystay Ka Fulisay Magaalada Lamu Ee Dalka Kenya

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa markale waxaa ay weerar geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa ay ka geysteen degaan u dhow Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen deegaan kaabiga ku haya magaalada Mpeketoni ee istiraatiijiga ah ee duleedka Magaalada lamu, isla markaana ay gubeen Guryo ay deganaayeen dad rayid ah, waxaana sidoo kale la sheegay in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac wh.

Warar lagu qoray Warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas, oyaga oo qiray inay gubeen Guryo ku yaalla tuulada ay weerarka ka fuliyeen, sidoo kalena ay kasoo qaateen Agab kala duwan.

Dhinaca kale Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ka howgasha dalka Kenya oo soo xiganeysay Saraakiil Ciidan ayaa xaqiijiyay weerarkaas, iyaga oo sheegay in la gubay Guryo ay ku noolaayeen dad rayid ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay weerarada Al-Shabaab ee degaannada hoostaga Magaalada lamu xilli Dowladda Kenya ay sheegtay inay heegan gelisay Ciidamadeeda.

Related posts

Dhegayso:- Xildhibaan Xuseen Carab Oo Ka Hadlay Kursiga Ay Isku Haystaan Raysal Wasaare Ku Xigeen Mahdi Guuleed

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Laamaha Amniga Ugu Baaqay Feejignaan Kadib Weerarkii Al-Shabaab Ee Dowlada Degaanka Somalida

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Africa Oo Ganaax Lagu Riday Iyo Wararkale

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More