Madaxwayne Deni “Waa Naga Go’an Tahay In Dhamaan Puntland Ka Qabano Doorasho Qof Iyo Cod Ah”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah oo Maanta oo khamiis ah ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland.

“Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano.” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’addaha Maamulka ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland.

Related posts

Xisbiga Wadani Oo Si Adag Ugu Dhaliilay Xukuumada Muuse Biixi Murashaxiin Lagu Xidhay Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Suuq U Gaar Ah Haweenka Oo Laga Hirgalinayo Ismaamulka Ijara Ee Dalka Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaab Oo Saaka Weerar Ku Qaaday Deegaanka Bacaadwayne Ee Gobolka Mudug

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More