Farmaajo Oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Iyo Arimaha Ay Ka Wadahadleen

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya  Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalka Liibiya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaadatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.

Dr. Maxamed Al-Manfi ayaa tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka Liibiya u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan qaadkiisii ku aaddanaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban gudaha dalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay dadaal xooggan ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada shisheeye, iyada oo haatan qaar badan oo ka mid ah ay si xorriyad iyo karaamo leh ugu noolyihiin dalkooda.

Related posts

Maamulka Gobolka Awdal Iyo Ka Magaalada Borama Oo Ka Hadlay Mudaharaadyada Ka Socda Borama Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Kenya Iyo William Roto Oo Ilaa Hada Hogaanka Haya

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Dalalka Itoobiya Iyo Suudaan Oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More