Qaramada Midoobay Oo Qeylo-Dhaan Kasoo Saartay Malaayiin Dollar Oo Ka Xayiran Afganistan

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa ka dhawaajiyay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi.

Xoghayaha,waxa uu ku booriyay beesha caalamka in Qaramada Midoobay ay ku maalgeliyaan $ 5-bn oo codsi bini’aadanimo ah oo wax loogu qabto dadka dalkaasi ee la ildaran macluusha.

Antonio Guterres ,waxa uu soo jeediyay in la sii daayo hantida Afgaanistaan ​​ee la xayiray, sii ayuu yiri looga hortago burburka dhaqaale iyo baahiyaha kale ee ka jira dalka Afganistaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 8.7 milyan oo reer Afgaanistaan ​​ah ay qarka u saaran yihiin macaluul, waxayna intaa raacciyeen inay muhiim tahay in si degdeg ah dhaqaalaha Afqaanistaan ​​loo geliyo dalkaasi, lagana fogaado burburka u horseedaya faqri, gaajo iyo macaluul.

Beesha caalamku waxay xayirtay hantida Afgaanistaan ​​ee dibadda iyagoo sidoo kale joojisay taageeradii dhaqaale, iyo in ay la shaqeeyaan Taliban.

Related posts

Raysal Wasaare Rooble “Waxaan Rajeyneynaa In Doorashadan Noogu Qabsoonto Si Cadaalad Ah”

Bnnstaff Bnnstaff

” Kulanka Warsengeli Iyo Somaliland Waa Guul u Soo Hoyatay Somaliland” Siyaasi Cali Qoryoolay.

Bnnstaff Bnnstaff

Duqaymo Culus Oo Ka Dhacay Gobolka Jubooyinka Somaliya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More