Akhriso Xogo Ku Saabsan Nin Lagu Eedeeyay In Uu Cunay Hilib Dad Oo Ay Ciidanka Boolisku Soo Qabteen

Booliska gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed Nigeria, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen “cunista hilibka bani’aadamka” iyo ka ganacsigiisa.

Dhacdadan naadirka ah ayaa taliyaha booliska ee gobolka Ayuba Elkanah wuxuu ku sheegay in tuhmanayaasha la soo qabtay kaddib markii ay baarayaashu heleen meydka qaar ka mid ah dad la’laa oo qaybo ka mid ah jirkooda laga saaray.

Eedeysanayaasha oo ay ku jiraan labo nin iyo labo wiil ayaa la xiray todobaadkii hore, sida uu sheegay Taliyaha Booliska, waxaana sidoo kale la baadi goobayaa rag kale.

Taliyaha booliisku wuxuu sheegay in ilaa hadda baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday in lacag dhan Shan boqol (oo u dhiganta $1,207) ay ku iibin jireen xubnaha bini’aadamka.

Ku lug lahaanshaha iibinta xubnaha bani’aadamka iyo cunista hilibka maaha wax ku cusub gobolka Zamfara. Balse waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan falalka la xirriira afduubka si ay madax-furasho uga qaataan dadka.

Related posts

Xaakiim Maraykan Ah Oo Aamray In La Siidaayo Soomaliyad Ku Eedaysnay Alshabaab

Mustafehaji

Dowlada Iiraan Oo Mar Kale Laga Dilay Sargaal Sare Iyo Isreal Oo Xaalad Deg Deg Ah Gashay

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ciro Oo Shirkada Somtel Ku Bogaadiyay Saamiyada Ay Bulshada U Furtay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More