Maamulka Hir-Shabeelle Oo In Hub Lala Galo Ka Mamnuucday Garoomada Diyaaradaha Ee Jowhar Iyo Beledweyne

Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa mamnuucday in guud ahaan hubka lala galo Garoomada Diyaaradaha Caasimadda Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar iyo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle oo la ogeeysiiyay Maareyayaasha Garoomada Diyaaradaha Beledweyne, Jowhar & Aadan-Cadde Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle oo u xilsaaran inay ka shaqeyso xasiloonida Deegaannada iyo bad-qabka Bulshada isla markaana hubiso Amniga guud ee Dowlad Goboleedka si loo dar-dar geliyo doorasho hufan oo ku dhisan wadar-oggol ayaa ku war-gelineysa Hey’adaha ay ku socoto warqaddani in laga billaabo 15-Janauray 2022 la joojiyay in guud ahaan wax hub ah laga soo dejiyo Garoomada Diyaaradaha ee Jowhar iyo Beledweyne iyada oo lala xisaabtami doono cid kasta oo u hoggaansami weyso Amarka.

” Wasaaradda waxey fareysaa Taliska Hey’adaha Booliiska iyo Nabad sugidda ee Garoomada Diyaaradaha in shaqadooda ay ugutaan si hufan iyaga oo la shaqeynaayo Maareeyayaasha Garoomada ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle.

Amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la filayo in Magaalooyinka Jowhar & Beledweyne in lagu qabto dooraahada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Related posts

Filin Laga Metelay Qaabkii Loo Khaarijiyay Wariye Jamaal Khashoggi

Bnnstaff Bnnstaff

Baraf Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Qaybo Ka Mid Ah Dalka Uk Xili Loo Diyaar Galoobayaya Wakhtiga Kulaylaha

Bnnstaff Bnnstaff

Kacaankii Masar Waxa Uu Ka Bilaabmay Ruudhi Sicir Bararkeenuna Waxa Uu Soo Gaadhay…”Xildhibaan Guruuje

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More