Puntland Oo Amar Ku Bixisay In La Xidho Gabi Ahaanba Labi Dugsi Oo Ku Yaala Magaalada Gaalkacyo Iyo Sababta

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiroaba Iskuul Waxbarasho oo kuyaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lana Maxkamadeeyo Milkiilayaasha Iskuuladaas.

War qoraal ah oo uu ku saxiixan yahay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ahna kusimaha Wasiirka Waxbarashada ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu ka dhashay markii uu arkay xogihii ka soo baxay kormeerkii loo diray magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu go’aamiyay.

1. In la xiro labada dugsi sare ee kala ah Somali International iyo Cabdullaahi Yuusuf oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo maaddaama dugsiyadaas ku kaceen nidaam baalmarsan hannaanka waxbarashada Puntland, laguna dhuminayo ubadka reer Puntland.

2. In caddaaladda la horkeeno mulkiilayaasha, maamulayaasha iyo cid kasta oo qayb ka ah burburinta nidaamka waxbarashada dowlad Goboleedka Puntland.

2. In waalidiintu ay ubadkooda gaystaan dugsiyada rasmiga ah oo ay Puntland aqoonsan
tahay iyagoo kaashanaya guddoonka waxbarashada ee Gobolka Mudug.

3. In Caddaaladda la horkeeno Milkilayaasha, maamulayaasha iyo cidkasta oo qayb ka ah burburinta nidaaamka Waxabarashada Puntland.

4. Waxaa aqoonsigii lagala laabtay dugsiga sare ee Afrika, maaddaama uu baalmaray nidaamka
waxbarashada. Waxaa keliya oo loo oggol yahay inuu ku shaqeeyo Dugsi H/dhexe ahaan.

5. Waxaa digniin kamadambays ah la siinayaa Maamulka dugsiga H/dhexe sare ee Cali Mataan.
Waxaa la farayaa maamulka dugsiga iyo Guddoonka Waxbarashada gobolka Mudug in laga saaro ardayda sharci darrada ku dhiganaysa fasalka laad ee dugsiga sare. loona reebo ardayda dhab ahaan soo dhamaystay Fasalka 8aad.

6. Waxaa si kumeelgaar ah looga joojiyey gudoomiyayaasha waxbarashada heer gobol iyo heer degmo bixinta aqoonsiga dugsiyada cusub inta laga soo saarayo habraaca cusub ee diiwaangalinta dugsiyada.

7. Waa in aan 45 arday ka badan la farisin fasal kasta si loo ilaaliyo tayada waxbarashada Haddaba
dugsiga baalmara arrintan wasaaraddu tallaabo ku habboon ayey ka qaadi doontaa.

8. Gobolka Mudug waxaa loo joogtayn doonaa kormeerka io dabagalka iyadoo loo xilsaari doono
khubaro Waxbarasho oo saldhig ka dhigata Magaalada Gaalkacyo.

Related posts

“Somaliland Shalay Waxay Dooratay Ninkii Ugu Mudakarsanaa” Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Bnnstaff Bnnstaff

15 Milyan Oo Qof Oo Hal Todobaad Laga Helay Cudurka Halista Ah Ee CORONAVIRUS

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Ka Sheekayay Qiso Ku Dhacday Isaga Qaxoonti Ku Ah Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More