Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digeysa in Ethiopia ay qarka u saaran tahay masiibo bani’aadaminimo iyadoo dagaallada ka socda dhinaca waqooyi ay ka hortagayaan in la gaarsiiyo cunto ay baahi u qabaan malaayiin qof oo ku nool gobolka Tigrayga ee ay dagaalladu ka jiraan.
Warbaahinta gudaha dalka itoobiya ayaa ku warantay in deegaanadaasi ay ka jiraan xaalad khatar ah oo bani’aadaminimo.
Markii ugu danbeeysay ee casiimada gobolka Tigrayga ay gaaraan kolonyo sido raashin waxa ay aheeyd bartamihii bishii hore ee sanadkii tagay.
Waxaa lasoo wariyay in malaayiin qof ay haatan wajahayaan cuno yari baahsan maadaama aysan mudo helin wax cuno ah.
Afhayeen u hadlay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP gaar ahana madaxa cunada ayaa sheegay in dagaalada ka socdo gobolkaasi ay saameyeen howlihii gargaarka oo isugu jiray cuno nafaqeeysan iyo shidaal halkaasi kagaar siin lahaa.
Waxaa uu shegay in todobaadka soo socda ay qeeybin doonaan hadii ay macquul noqoto cuno nafaqeeysan si wax looga qabto xaalada bini’aadanimo ee halkaasi ka jirto.