Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Amisom Ku Leedahay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceelashada biyaha ee gobolka shabeellada Hoose

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha, maadaama halkaasi saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa AMISOM.

Balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoona kadib dagaal halkaasi uu ka dhacay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo kuwa AMISOM.

Xaafada Arbacow ee degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa Saldhig weyn ku leh Ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan kooxda Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madxwaynihii Hore Ee Dalka Maali Moussa Traore Oo Geeriyooday

Bnnstaff Bnnstaff

Shiinaha Oo ku Dhaqaaqay Qorshe Cabsi ku Abuuray Shacbka Taiwan.

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamo Itoobiyaan Ah Isku Dilay Haweenay Awgeed Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More