Doorashada 5 Kamid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhaceysa Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana sidoo kalena horey loo soo saaray Odayaasha soo xulaya ergada wax dooraneysa.
Kuraasta doorashadoodu Maanta ka dhaceyso Baydhabo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP184 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xasan Cabdinuur Cabdi, HOP085 oo ku fadhiyey Shariif Maxamed Cabdalla Xuseen, HOP046 oo ku fadhiday Rabaco Sheekh Nuur, HOP156 oo ku fadhiyey Cali Cabdi Cismaan iyo HOP176 oo ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay Maxamed Mursal Boorow.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono xubno ka tirsan Guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo korjoogto kale, waxaana la filayaa in doorashada saacadaha soo socda ka bilaabato Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda ayaa si dardar leh uga bilaabatay maamul Goboleedyada, waxaana doorashada Golaha la qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo 40 maalmood oo ku eg 25-ka bisha soo socta ee Febraayo 2022.

 

Related posts

Daalibaan Oo Ka Wareegay Caasimada iyo Madaxweynahii Oo Firxaday

Mustafehaji

Madaxwayne Deni Oo Dignniin Iyo Goaano Culus Ka Soo Saaray Diidmada Lacagta Shilin Somaliga Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Warancade Oo Ka Hadlay Dhalinyarada Ay Dowlada SomaliyaU Dirtay Ereatrea Ee La La’yahay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More