Borama News Network

Ciidanka Yuhuudda oo Taangiyo dulmariyay Dad Shacab ah oo si qasab ah uga soosaareen Isbitaalka Al-Shifa

Ciidanka Yuhuudda oo muddooyinkii u dambeeyay samaynayay tallaabooyin foolxumo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa markale laga soo calaamadeeyay in ay taangiyadooda dul-mariyeen Dad Shacab ah oo qaarkood dhaawacyo ah.

Askarta Yuhuudda ah ee ku go’doonsan Isbitaalka Al-Shifa ayaa si qasab ah dadka bukaannada ah iyo kuwa la jooga dibadda ugu soosaaray si ay gabbed uga dhigtaan maadaama ay awoodi waayeen in ay bannaanka usoo baxaan.

Balse dhinacyada wax iska caabbinta Falastiin oo gubay qaar kamid ah Taangiyada Israaiil waxa ay ciidamada Yuhuudda markale ay sameeyeen in ay Taangiyada dulmariyaan qaar kamid ah Dadkii ay sida awoodda ah usoo saareen.

Teleefishinka Aljazeera oo helay xogtaan ayaa baahiyay qaar kamid ah muuqaallada taangiyada Israaiil oo dulmaraya Dadka rayidka ah balse arrinta mucjisada ah ee la arkay waa in qaar kamid ah Dadkaas keliya jab uu soo gaaray.

Dadka qaar ee muuqaalladooda lasoo bandhigay waxaa ku jira kuwo Da’ ah oo qaarkood dulsaaraan gaariga loogu talagalay in la saaro dadka baahiyaha gaarka ah qaba waa kuwa aanay awoodin in ay lugahooda ku socdaan.

Isbitaalka Al-Shifa oo ah goobta ugu badan ee lagu dhiig-bixiyay ciidamada Yuhuudda kuna waayeen saraakiil sare waxaa lagu dawaynayaa in ka badan 7,000 oo rayid ah oo waxyeello ay gaarsiiyeen ciidamada Israaiil.

 

Related posts

Netanyahu oo Kamala Harris ku mucaaraday go’aankii ay ugu sheegtay in uu joojiyo Dagaalka Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

Dal Africaan Ah Oo Dal Kale Oo Yurub Ah Ugu Hanjabay In Uu Diri Doono 20 Kun Oo Maroodi Ah Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

5 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dagaalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff