Maamulka Jubaland Oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Lix Kursi Oo Ka Tirsan Golaha Shacabka

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 6-kursi oo kamid ah 14-kii kursi ee la shaaciyay 13/12/2021.

Guddiga ayaa shaaciyay in 19-ka Bisha oo Maanta ah ay shaacin doonaan Guddiga xulista Ergada dooraneysa lix kursi, halka 20 Bishaan oo Beri ah ay bilaabayaan qabashada Ergada iyo diiwaanvelinta musharrixiinta.

Sidoo klae Guddiga ayaa sheegay in 22-ka Bishaan ay tababarayaan Ergada dooraneysa kuraasta Golaha Shacabka, sidoo kalena 23-ka Bishaan oo ku beegan Maalinta Axada ee todobaadka soo socda la qabanayo doorashada lixda Kursi.

lixda kursi oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kala yihiin.

1: HOP028 oo uu mu fadhiyo Cabdullaahi Maxamed Aadan (Shaacir)

2: HOP093 oo uu ku fadhiyay Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo mar noqday Golaha Wasiirada Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

3: HOP107 oo ay ku fadhiso Xaawo Maxamed Aadan

4: HOP 111 oo uu ku fadhiyo Maxamed Nuur Iftin Shambara

5: HOP 114 oo uu horay ugu fadhiyo Cabduqaadir Maxamed Xuseen (Faliija)

6: HOP120 oo uu hadda ku fadhiyo Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Bakhdaadi) oo mar soo noqday Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in uu noqdo Maamulka labaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, isla markaana fuliya heshiiskii doorashada ee Golaha wadatashiga Qaran.

Related posts

DEG DEG: Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda Oo Shaqadii Laga Joojiyay Loona Magacaabay Masuul Cusub.

Mustafehaji

Faah Faahin: Weerar Khasaaro Dhaliyey Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Degmada Afgooye

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Mar Kale Dib Uga Qarxay Magaalada Laascaanood Iyo Wararkii Ugu Dbeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More