Wada-hadallo U Bilaawday Dowladaha Turkiga Iyo Masar

Wargeysyo Carbeed ayaa qoray “ifafaale” muujinaya in uu jiro xiriir dhex maraya Turkiga iyo Masar, iyo sidoo kale qoreyaal tilaamay suurtogalminada ah in la gaadhi doono is faham ay dhex mara labada dal mustaqabalka
Ibraahim Kalin oo ah af-hayeenka madaxtooyada Turkiga ayaa waraysi uu siiyey Telefishan Turkiga laga leeyahay u sheegay in “Masar ka mid tahay dawladaha waaweyn ee Carabta, gobolka iyo dunida ba” waxaanu intaa ku daray “in Turkigu diyaar u yahay inuu ka falceliyo hadii ay Masar muujiso in ay u heelan tahay u hawl galka ajendayaasha togan ee gobolka
Wargeyska Ra’y Al-Yoom ee London ka soo baxa ayaa qoray “wararka maalmahan isa soo taraya ee tibaaxaya in Turkigu beer-laxawsanayo Masar iyadoo ay waliba jiraan warar kale oo sheegaya in ay suurto galeen kulamo dhex maray waftiyo ka socda sirdoonka labada dal oo ku heshiiyey in la hakiyo dacaayadaha warbaahinta la isu marinayo, waxay arimahaasi noqon karaan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka kalsooni abuurka iyo sidoo kale in ay gogol xaadh u ahaayeen kulamo diblomaasiyadeed iyo kuwo siyaasadeed oo heer sare ah.
Wargeyska Al-Quds Al-Carabi ee London ka soo baxa ayaa isna waxa uu leeyahay “maalin ba maalinta ka dambaysa ayaa waxa soo kordhaya ifafaalaha tilmaamaya in uu jiro xidhiidh dhex maraya Masar iyo Turkiga in kasta oo uu heer hoose taagan yahay oo la rumaysan yahay in aanu weli dhaafsiisnayn sirdoonka labada dal iyo diblomaasiyiin hoose. Laakiin waxay arintaasi tilmaamaysaa in ay suurto gal tahay inuu dhaco isu soo dhawaansho siyaasadeed mustaqbalka oo is faham laga gaadho arimaha qaarkood sida xiisadda Liibiya iyo calaamadaynta xadka badda ee labada dal ka leeyihiin dhanka bariga badda Mediterranean-ka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladda Somalia Oo Shaacisay In Bandow Habeenkii Ah Lagu Soo Rogi Doono Dalka Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Cabdi Xaashi Oo Dacwada Ka Dhan Ah Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Rooble U Gudbiyay Beesha Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Somaliland Qaabilayso Qaxooti Afghanistan Ah?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More