Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigtay Liiska Odayaasha Soo Xulaya Ergada Saddex Kursi Oo Ka Tirsan Golaha Shacabka

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa xalay shaaciyay magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraasta tirsigooda kala yihiin HOP#056, HOP#002 iyo HOP#231.

Guddiga ayaa Qoraal uu soo saaray kusoo bandhigay Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada kuraasta ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federalka.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ka dhacdo doorashada saddexda kursi oo kamid ah 11 kursi oo hore Guddiga u soo saareen.
Maalintii Arbacada aheyd ee todobaadkan ayaa waxaa Baydhabo ka dhacday doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana doorashada kusoo baxay Xildhibaano cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Baarlamaankii 10-aad.

Dowlad Goboleedyada ayaa si dardar leh ku bilaabay doorashada Golaha Shacabka, iyagoona dhammaantood soo saaraya Jadwalo doorasho iyo Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergooyinka doorashada kuraasta.

Related posts

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare Oo Maanta Ka Billaabaneysa Magaalada Jowhar

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Kismaayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Taageero Cusub U Balanqaaday Dowlada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More