Dowladda Somalia Oo IMF Kala Hadashay Deyn Cafinta Iyo Dib U Habyenta Maaliyadda Dalka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta C/raxmaan Ducaale Beyle iyo saraakiisha hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa ka hadlay shir ku saabsanaa dib u habyenta Maaliyadda dalka iyo iskaashiaga labada dhinac.

“Iskaashigeena ayaa keenaya natiijooyin xiriir oo wax ku ool ah oo aan la yeelano saaxiibadeena muhiimka ah ee gacanta weyn ka geystay isbadalka iyo dib-u-habaynta dhaqaale ee Soomaaliya” ayuu yiri Dr.Beyle
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Beyle ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale shirka uu la yeeshay Madaxda IMF uu Gogol-Xaar u yahay kulan weyn oo lagu wado in uu qabsoomo bisha February ee soo socota, kaas oo ay yelan doonaan Soomaaliya iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiir Beyle ayaa maalin kahor Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ee dowladda Ruushka Mudane Timur Maksimov kala hadlay dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo heerka uu marayo geeddi-socodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Dowladda Ruushka ayaa ka mid ah 10-ka dal ee Paris Club la isku yiraahdo oo 9 dal oo ka mid ah sanadkii 2020- heshiiska deyn cafinta la saxiixday dowladda Soomaaliya, balse Ruushka wali Soomaaliya kama Cafin lacagta deynta ah ee uu ku leeyahay.

Related posts

Kulan Looga Hadlayay Soo Laba Kacleynta COVID-19 Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Jubbaland Oo Dalab U Diray Beesha Caalamka Iyo Shacabka Soomaaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

Intii Dpworld La Odhan Lahaa Walal Na Caawiya Waa In La Doona Faa’idada Inooga Soo Baxda” Xildhibaan Maxamed Abiib

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More