Mareykanka Oo Xaqiijiyay In Calooshood u Shaqeystayaal Hubeysan La Geeyay Dal Afrikaan Ah

Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in kooxda Wagnar oo ah askar calooshood u shaqeystayaal ah hadda la geeyey dalka Mali. Kooxdan ayaa taageero ka helaysa militariga Ruushka.

General Stephen Townsend, Madaxa ciidanka Maraykanka ee Afrika ee Africom ayaa yiri “Kooxda Wagner waxa ay ku sugan tahay Mali. Halkaas ayey joogaan, waxaanan u malaynaynaa in hadda tiradoodu ay boqolaal gaareyso
Townsend ayaa warkan VOA u sheegay mar uu wareysi gaar ah oo khadka Skypte-ka ah siiyey Khamiista maanta ah, isaga oo ku sugan xaruntiisa magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

Waxa uu intaas raaciyey “dayuuradaha ciidanka cirka ee Ruushka ayaa keenaya. Adduunyadu way arkaysaa waxan dhacaya. Annaga welwel weyn bay nagu haysaa.”

Related posts

Dowladda Jabuuti Oo War Kasoo Saartay Tallaalka Cudurka Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Anigaba Madaxwaynuhu Wuu I Caayay Caagadna Uu Igu Dhiftay Baarlamaanka Maan Gayn” Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Arinta Guruuje

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Shariif “Xaaladda Amniga Dalka Waa Ay Sii Xumaanaysaa, Dayac Weyn Baana Muuqdo”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More